Ma dhab baa in dad looga shakiyey cudurka Coronavirus lagu fasaxay Muqdisho?

Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaa ka hadashay warar sheegaya in dad qaba cudurka Coronavirus oo ka soo degay garoonka dayuuradaha Aadan cadde lagu soo fasaxay magaalada Muqdisho ka dib markii la waayey goob lagu karantiilo.

Qoraal ka soo baxay wasaarada ayaa arrintaas so weyn loogu beeniyey, waxayna wasaaradu sheegtay in hadda aysan jirin khatar laga walaaco oo ku saabsan in cudurkaas uu u soo gudbo Somalia.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA.

Waaaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxa si dhow ula socotaa xaaladaha cudurka Cronavirus ee dunida waxayna sidoo kale odorostaa faafidda cudurka, la socodka xaaladaha iyo ka warqabka isku gooshka dadwaynahaya ku nool dalalka uu saameeyay cudurkaani.

Wasaaradda Caafimaadku waxay u xilsaartay guddi si joogta ah uga shaqeeyo arrimaha la xiriira cudurka Cronavirus, waxayna xiriir joogto ah oo rasmi ah la leeyihiin dhamaan hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh caafimaadka iyo isku-gooshka, sidoo kale waxaa joogto ah xiriirka wada shaqayn ee laamaha socdaalka, shirkadaha diyaaradaha iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh isu socodka iyo isku-gooshka dadwaynaha.

Heerarka kala duwan ee Wasaaradaha Caafimaadka (Federaal & Maamul Goboleed) waxay heegan buuxda galiyeen shaqaalahooda xarumaha dalka laga soo galo iyadoo ruux walba uu musaafir ah uu marayo baarista asaasiga ah ee lagu hubinaayo xaaladiisa caafimaad sidoo kale la xaqiijinaayo socdaalka iyo goobaha uu soo maray.

Wasaarada Caafimaadka Federaalka Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa in aysan jirin ilaa iyo haatan qatar la xiriirta cudurka mana jirto qof isagoo aan soo marin hab raacyada lagu hubiyo cudurka ama laga shakisan yahay oo dalka soo galay.

Muwaadiniinta iyo ajaanibta la xaqiijiyey inay ka badqabaan cudurka ee soo galay dalka waxay Wasaarada Caafimaadka la socotaa xaaladohooda waxayna marisay hab raaca diiwan galinta iyo xaqiijinta faya qabkooda.

Wasaarada Caafimaadka waxay ku boorinaysaa dhamaan war baahinta dalka iyo kuwa caalamiga ahba inaan la faafin war bixinada xasaasiga ah ee la xiriira cudurkan oo aan la abuurin walaac aan jirin.

Waxaan ku adkeeynaynaa dhamaan warbaahinta iyo dadweynahaba in warbixinta cudurka cronovirus aan laga qaadin meel aan Wasaarada Caafimaadka ahayn.

DHAMMAAD

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -