Ra’iisul Wasaare Xamse oo xilka kala Wareegay Ra’isul Wasaarihii Hore (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo 25kii Bishan ay ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku wareejiyey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre galal ay ku qoran yihiin hantida ma guurtada ah, howlwadeennada, iyo hannaanka shaqo ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxuuna Eebbe uga baryey in uu u fududeeyo gudashada Mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Xukuumadda, isaga oo uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay dalka muddadii uu hayey xilkaas, gaar ahaan hirgelinta doorashooyinka oo caqabado badan soo maray.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa muujiyey kalsooni ku aaddan howlwadeennada Xafiiska, waxa uuna ku adkeeyey in ay dardar geliyaan shaqadooda, taas oo xoojinaysa wada-shaqeynta Xukuumadda, door wanaagsanna ka qaadanaysa horumarinta dowladnimada iyo isku xirnaanta hay’adaheeda.

Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Kuxigeennadooda, Golaha Wasiirrada, Hanti-dhowrka guud, iyo saraakiil ka tirsan dowladda.

- Advertisement -