Madaxweyne Deni oo la kulmay Taliyaasha Booliiska Puntland Amarna siiyay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Puntland .

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga Mudane Cabdisamad Gallan, Taliyaha Ciidanka Booliska Mudane Gen. Maxamed Cali Xaashi, Taliye-xigeennada iyo qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidanka Booliska.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa warbixin Amni iyo shaqada Booliska ee socota ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska, kuwaa oo Madaxweynaha uga sheekeeyay sida booliiska u shaqeenayaan iyo caqabadaha ay la kulmaan mararka qaar.

Siciid Deni ayaa boggaadiyay sida Ciidanka booliiska Puntland  ay har iyo habeenba ugu heelan yihiin sugida Amniga deegaanada Puntlanad, isagoo faray in ay sii dardar geliyaan gudashada waajibaadkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -