Meydadka dad ka badan 40-qof oo laga dhax helay Gaari gudaha Mareykanka (Sawirro)

Ciidamada booliiska dalka Mareykanka ayaa ka helay meydadka dad ka badan 40-qof oo tahriibayaal ah gaari weyn oo nuuca xamuulka qaada ah, oo marayay duleedka magaalada San Antonio, ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

Shaqaale katirsan dabdamiska Mareykanka ayaa u gurmaday gaariga laga helay meydadka, waxaa sidoo kale gaariga laga soo saaray 16-qof oo  nool oo afar kamid ah caruur yihiin, kuwaa oo loola cararay isbitaal xaaladooda lagula tacaalayo.

Gaarigan dadka ku dhax geeriyoodeen ayaa la sheegay in tahriibayaasha uu kasoo qaaday xadka dalka Mexcio, waxaana goobta hada lagu qabtay gaarigan dadka badan ku dhax dhinteen xuduuda Mexcio u jiraa 250 km.

Charles Hood, oo ah madaxa shaqaalaha dab damiska San Antonio , ayaa sheegay in shaqaalaha gurmadka degdega ah ay yimaadeen goobta ka dib markii ay heleen warar sheegaya in halkaasi uu yaallo qof meyd ah.

Taliyaha booliiska San Antonio William McManus ayaa sheegay in meydadka gaariga laga helay gaarayaan 46-qof, waxa uuna xusay in baaritaanka kiiskan hadda lagu wareejiyay wakiilo ka socda dowladda dhexe, saddex qofna ay xabsiga ku jiraan.

Dadka dhintay ee tahriibayaasha ah ayaan wali la aqoonsan dalalka ay kasoo jeedaan, waxaana muddooyinkii dambe dalka Mareykanka ku qulqulayaan tahriibayaal  ka baxay waddamo kala duwan, kuwaa oo nolol iyo shaqo u raadsaday Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -