Allbanaadir.com
NEWS

Madaale oo kulan isla xisaabtan ah la qaatay Maamulada labo degmo (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan isla xisaabtan iyo dardargelin shaqo la yeeshay heerarka kala duwan ee Maamulada Degmooyinka Howl-wadaag iyo Hodan

Waxaa goob joog ka ahaa kulankaas Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Duqa Muqdisho ayaa warbixin la xariirta horumarrada iyo caqabadaha dhinaca shaqooyinka ka dhageystay qeybaha kala duwan ee Maamulada labadaas degmo

Gudoomiye Madaale ayaa kula dardaarmay labada maamul dardargelinta adeegyada loo haayo bulshada, la dagaalanka maandooriyaha, anshax xumada, nadaafadda iyo in laga fogaado musuqa.

Related posts

Xildhibaanada Federaalka ee heysta dhalashada UK oo la shiray safiirkooda Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Siyaasiyiin Xildoon ah oo buux dhaafiyay guriga Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Dowlada Britain oo Malaayiin Dollar ku maalgalineysa Dekad kutaala Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---