Allbanaadir.com
NEWS

Sadex Talaabo oo fashilin karta Qorshaha Farmaajo ee Xukun jaceylka oo lasoo bandhigay !

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa wali isku dhejinaya kursiga, waxa uuna mar kale ka shaqeenayaa sidii uu xukunka kusii dheereesan lahaa ama mar kale loogu dooran lahaa Madaxweyne.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidankii Soomaaliya loo diyaarinayay lana doonayay in AMISOM amaanka kala wareegaan in Farmaajo doonayo in doorashada ku boobo.

Murashaxa ayaana soo bandhigay sadex talaabo uu sheegay in Farmaajo kahor istaagi karaan damaciisa ku aadan in Villa Soomaaliya sii joogo, waxa uuna xusay in sadexdaasi tallaabo midbo midka kale kasii daran yahay.

Halkan ka Akhriso Qoraalka C C Warsame uga hadlay arintan

Farmaajo ciidankii 10-kii sano ee la soo dhaafay loo diyaarinayey in uu AMISOM masuuliyadda amniga dalka kala wareego, hubkii iyo agabkii loogu tala galay in argagaxesida la isaga dhiciyo ayuu maalin cad, madaxdii dalka iyo Dowlad Goboleedyada kula duulay. Wuxuu doonayaa waa doorasho uu ciidankaas ku dhaco, haddii aan la yeelinna labo sano uu Mursal ula diyaar yahay, ciddii diiddana ay tahay cadaw qaran, cagtana la marinayo. Seddax tiaabo ayaa inqilaabkaas ka hor istaagi karta.
 
1- In ragga xilalka haya, gaar ahaan kuwa isaga la jira, gacanta qabtaan, dalkana badbaadiyaan.
 
2- In ajnabiga uu dhabarkooda ku dangiigo ka diidaan.
 
3- In labadaasba dhici waydo; oo halka dagaal ee u dhimman uu ku quus qaato oo isaga iyo intii markii horaba u diiddaneyd foodda is daraan.
 
Seddaxdaas tallaabo siday u kala horeeyaan ayey u kala dhib yaryihiin, una kala sumcad fiican yihiin.
 
Farmaajo wuxuu aaminay in borobagaandada CBB, ciidanka uu cid walba kula duulayo iyo lacagta uu ku iibsanayo taageerada dadka qaarkii in uu dalkoo idil ku qabsan karo. Waa halis dalkeena soo food saartay oo u baahan in aan iska badbaadinteeda wajahno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

R/W Rooble oo bilaabay Aargudasho Siyaasadeed oo ka dhan ah Xubno ku dhaw dhaw Farmaajo

Cabdi Cade

Haan weyn oo kusoo caarisay Xeebta Ceel Macaan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shil gaari oo Khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade