Dal sharci adag kasoo saaray dadka baraha bulshada Aflagaadada ku geesta

Baraha bulshada ayaa noqotay meel lagu faafiyo waxii la doono ama loogu gefo dadka, waxaana kusii badana dadka sida online ah siyaasiyiinta iyo dadka kalaba ku ceynaya baraha bulshada .

Dowladda Japan ayaa soo saartay sharciyo cusub oo wax looga qabanayo dadka aflagaadada ku geesta baraha bulshada, waxaana sharcigan cusub ka dooday ugu dambeyna meel mariyay aqalka sare ee dalka Japan.

Sharcigan cusub ay soo saartay dowladda Japan ayna meel mariyeen xildhibaanada aqalka sare ee dalkaasi ayaa dhigaya, in qofkii dhanka online-ka dadka ka caaya uu muteysan karo hal sanno oo xabsi ah.

Japan ayaa rajo weyn ka qabta in sharcigan cusub ee lasoo saaray meesha ka saaro aflagaadada loo geesto madaxda iyo dadka kale,waxaana sharcigan cusub dhaleeceeyay siyaasiyiinta mucaaradka oo caburin ku tilmaamay.

Waddamo badan oo caalamka kuyaalla ayaan laheyn sharciyo lagu xakameeyo dadka cayda iyo xadgudubka kale ku geesta baraha bulshada, waxaana dalalka qaar ka fekerayaan sidii iyana usoo saari lahaayeen sharciyo lagu xakameenayo xadgudubka baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -