Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka Xooga dalka (Sawirro)

Madaxa Al-shabaab u qaabilsanaa cunta karinta Gobolka Bay Cali Madkeer Mad-Muumin ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Makuudo oo duleedka Baydhabo.

Taliska Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka oo Cali soo bandhigay ayaa si wanaagsan usoo dhaweeyay markii uu isku soo dhiibay gacanta dowladda.

Cali Madkeer Mad-Muumin ayaa sheegay in sababta uu uga soo baxay kooxdii uu ka tirsanaa ay tahay markii uu ogaaday dhibaatada ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada kale ee kooxdaas ku jira iney isaga ku daydaan, kana soo baxaan kooxdaas, dhinacna ka raacaan dadkooda” ayuu yiri Cali Madkeer Mad-Muumin.

Al-shabaab illaa hadda kama hadlin sarkaal la sheegay inuu iyaga ka soo goostay, loogamana baran iney ka fal celiyaan arrimahan oo kale.

Related posts

(Sawirro) Kacdoon ka dhan ah Maamulka Somaliland oo ka curtay Magaalo kale

Caydiid Ali

Waddooyinka sida Sharcidarada u xiran ee Muqdisho iyo arrimo kale oo laga shiray

Cabdi Cade

Ciidamo booliis ah oo tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---