Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Raisul Wasaare Abiy Ahmed oo qaaday talaabo lagu soo afjarayo dagaalka TPLF

Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa sheegay in dawladdiisa ay dhistay guddi wadahadallo la fura xoogagga gobolka Tigray ee TPLF.

Abiy ayaa u sheegay baarlamaanka Itoobiya Marka ay timaaddo nabadda, waxaa la sameeyay guddi wadaxaajood, waxaana wadaxaajoodku u baahanyahay shaqo badan, guddi ayaana loo saaray daraasad ku sameyn doonaan sida loo wadahadli karo ayuu yiri Abiy Ahmed, Waana markii ugu horeysay ee Abiy uu shaaciyo xogta guddigan.

Waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Demeke Mekonnen uu hoggaaminaayo guddigan, kaasoo qaadan doona 10 ilaa 15 maalmood, si ay uga soo baaraandegaan waxyaabaha laga wadaxaajoonayo.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda gobbolada iyo kuwa daacada u ah kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa xagal-daaciyay qorshayaashii dawladdu ku doonaysay in lagu casriyeeyo dhaqaalaha.

Dagaalka ayaa ka qarxay Tigray bishii November ee sanadkii 2020, wuxuuna ku faafay gobollada deriska ah ee Canfarta iyo Axmaarada sanadkii hore, laakiin dagaalka ayaa yaraaday tan iyo markii dawladda federaalku ku dhawaaqday xabbad-joojin bini’aadantinimo oo hal dhinac ah bishii Maarso.

Related posts

Al Shabaab oo saakay Weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhig Ciidan

Cabdi Cade

Nin gacan ku dhiigle ah & Xashiish fara badan oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Goobta lagu wado in beri ka dhacdo Doorashada Guddoonka Aqalka Sare

Cabdi Cade
Taboola Ads ---