Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Isias Afwerki oo booqasho Taariikhi ah Goordhaw ku tagay Itoobiya (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha dalka Eritrea Isias Afwerki iyo Wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa goordhaw booqasho taariikhi ah ku tagay  magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, .

Wafdiga Madaxweynaha Eritrea waxaa garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Adis Ababa kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madax kale oo katirsan dowlada Itoobiya.

Madaxweynaha Eritrea ayaa booqashada uu ku tagay dalkka Itoobia noqoneysay tii ugu horeesay uu dalkaasi ku tago 20-sano kadib, waxaana booqashadan lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo dhabaha u xaareysa soo laabashada xiriirka labada dal.

Booqashada uu goordhaw dalka Itoobiya ku tagay Madaxweynaha Eritrea ayaa dabo socota booqasho Axadii lasoo dhaafay dalka Eritrea ku tagay Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abi Ahmed, waxaana labada wadan Asmara ku gaareen heshiiso dhoor ah.

Madaxweynaha Erirtea ayaa inta uu joogo magaalada Adis Ababa la kulmi doona Ra’isul Wasaaraha Itoobiya iyo Madax kale, waxaana la filayaa in labada dowladood ee Itoobiya iyo Eritrea heshiisyo hor leh ku saxiixdaan magaalada Adis Ababa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo Eedeymo culus loo jeediyay iyo Mahdi Guuleed oo…

Cabdi Cade

Dowladda oo Faah faahisay howlgalkii Hilow Bacaad iyo Khasaaraha Al Shabaab ku gaaray

Cabdi Cade

Al Shabaab oo laga cabsi qabo in Door weyn ku yeeshaan Doorashada soo socota

Cabdi Cade