Allbanaadir.com
NEWS

Xubnihii ugu dambeeyay ee guddiga Doorashooyinka Somaliland oo is casilay

Waxaa maanta is casilay saddexdii xubnood ee ugu dambeeyay ee katirsanaa guddiga doorashada maamulka Somaliland, xilli khilaaf xoogan ka jiro qabsoomida doorashada Madaxweynaha maamulkaasi oo loo ballansan yahay bisha November.

Saddexdan xubnood ayaa qoraal ay ku cadeenayaan is casilaadooda u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland ee Mudane Muuse Biixi, waxa ayna iscasilaadooda ku sheegeen duruufo iyaga u gara ah iyo xaalado kale oo jira.

Xubnaha guddiga doorashada ee maanta is casilay ayaa kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood, Kaltuun Sheekh Xasan iyo Cabdixakiim Siciid Dalmar, xubnahan ayaana noqonaya kuwii ugu dambeeyay ee guddiga katirsanaa oo is casila.

Guddoomiyihii guddiga doorashada Somaliland ayaa horey isna isku casilay, waxa ayna iscasilaada guddiga doorashada uga sii dareysaa xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Hargeysa gaar ahaan khilaafka ka jira qabsoomida doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=Wxccx5zZgcI&t=5s

Related posts

Jawaahir Baarqab “12 jir ayaa la kufsaday, ninkii kufsaday wuxuu ka mid yahay….”

admin

Mogadisho Book Fair. Mahruuc Shisheeye mise bandhig Buugaag ?!!

Cabdi Cade

Mashquul laga dareemayo xarumaha degmooyinka Muqdisho kaddib tallaabadii uu…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---