Booliiska Puntland ee Garoowe oo sheegay iney ka hortageen dhacdo fool xun

Booliiska Gobolka Nugaal ee maamulka Puntland ayaa shaaciyay inay xalay badbaadiyeen gabar dhalinyaro ah oo doonaysay inay is gubto.

Qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee Booliiska Puntland, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Amniga Garoowe ka hortageen arrintan oo ka dhacday xaafad ka tirsan caasimadda Garoowe.

“Ciidamadda amaanka Garoowe iyo saraakiisha hawlgalinta Booliska gobolka Nugaal waxay caawa ka hortageen dhacdo foolxun oo la tuhunsan yahay gabadh dhallinyaro ah inay nafta isaga goyso, isgubto, is-khaarajiso ama ay isku-dili rabtey kadib markey bac ku soo qaadatay baasiin iyo taraq balse nasiib wanaag taraqii ka qooyay sidaas darteedna uu u bixi waayay dabkii kabriidka ama taraqu” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska ay soo saareen.

“Gabadhaan oo laga helay luuq ku yaala xaafadaha magaalada GAROWE, waxaa la geeyay Cisbitaalka guud ee dowladda, si loogu dabiibo looguna sameeyo baaritaan, kadib markey heleen boolisku waxay sidatay Telefon labo SIM CARD leh,oo middi yahay Telesom,midna yahay GOLIS,dadaal dheer kadib iyo xiriiro dhexmaray qaar ka mid ah bulshada iyo laamaha Amaanka waxaa lagu guulaystay Aqoonsiga xubno ka mid ah ehelka iyo qoyskeeda,si loola socodsiiyo dhacdadaan ka hortaga ay ku sameeyeen ciidamada boolisku” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Booliska oo aan lagu sheegin sababta kaliftay in haweeneydan ay go’aan noocaas ah qaadato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -