Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo taageero balaaran u muujisay Boqortooyada Sacuudiga

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaarada arimaha dibadda Dowlada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerar kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ku qaadeen Warshad kutaala Boqortooyada Sacuudiga.

Weerarkan oo dhacay Jimcihii 19-ka Maarso 2021, ayaa loo adeegsaday diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn, waxaana weerarka lagu bartilmaameedsaday Warshadda Sifeynta Batroolka ee Magaalada Riyaad.

Wasaarada arimaha Dibadda Soomaaliya qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in si kulul u cambaareenayaan weerarka, waxa ayna Wasaarada sheegtay in taageero iyo garab istaag la dhinac joogaan Boqortooyada Sacuudiga.

“Soomaaliya waxa ay markale ku celineysaa in Sacuudiga ku garab taagan tahay ilaalinta amnigeeda qaran & badqabka dhulkeeda, waxaana cambaareyneenaa weerarka Xuutiyiinta ku beegsadeen Warshadda Sifeynta Batroolka ee Magaalada Riyadh” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan cambaareesay weerarada kooxda Xuutiyiinta Yemen ku qaadaan Boqortooyada Sacuudiga, waxa ayna Soomaaliya sheegtaa in ay garab taagan tahay Sacuudiga oo dagaal kula jira Xuutiyiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Malaayiin Dollar uu xaday Sani Abacha oo loo qeybinayo dad masaakiin ah

Cabdi Cade

Saraakiisha TPLF oo qirtay in dagaal looga qabsaday Magaalooyin istaraatiiji ah

Caydiid Ali

War cusub oo ka soo kordhay dad 48 saac lagu weysanaa daadadkii ka dhuftay Qardho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---