Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Shiinaha oo kawada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare  ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Xafiiskiisa Aqalka Sare ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Mudan Fei Shengchao.

Danjiraha dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya ayaa  guddoomiyaha Aqalka Sare soo gaarsiiyay salaan iyo dhambaal hambalyo ah oo ku aadan dib u doorashadiisa oo uu ka waday Baarlamaanka Dowladda Shiinaha.

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Danjire Fei Shengchao ayaa sidoo kale kawada hadlay  xoojinta xiriirka labada Dal iyo kor u qaadista doorka wada shaqayn ee u dhaxeeya Baarlamaannada labada Dal.

Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxaana safiirka dowladda Shiinaha horey kula kala duwan ula qaatay madaxda cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo saakay xiran iyo amaanka oo la adkeeyay

Cabdi Cade

Fiqi oo ka qeyb galay shirka Wasiirada Arrimaha dibeda EAC

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo khudbadiisii Shirka Talyaaniga ku dhega hadlay Abiy Ahmed (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---