Golaha Ammaanka ee QM oo ansixiyey qaraar cusub oo ku saabsan Somalia

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa meelmariyay qaraar qeexaya inuu Soomaaliya ka sii shaqeeyo Xafiiska Qaramada Midoobay oo hadda mas’uul ka yahay Danjire James Swan.

Qaraarka oo tirsigiisu yahay 2632 ayaa waxaa si wada jir ah u ansixiyay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, waxayna  ogolaadeen in xafiisku QM u sii shaqeeyo ilaa bisha Oct. 31, 2022.

Xubnaha Golaha ammaanka ayaa ka codsaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inuu golaha si joogto ah ula socodsiiyo meel marinta qaraarkan, iyadoo warbixinta xigtana ay ku egtahay 31-ka Agoosto.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan arrimaha doorashooyinkii la soo gaba gabeeyay 15 May 2022.

Hawlgalka UNSOM, wuxuu Soomaaliya ka taageera dhinacyada dhismaha Nabadda iyo Dowladnimada, dhawrista Xuquuqda Insaanka, ka hortaga Tacaddiyada ku salaysan Jinsiga, Xoojinta Hay’adaha Garsoorka iyo Ilaalinta Xuquuqda Haweenka iyo Carruurta.

Golaha ayaa sidoo kale ka codsaday xoghayaha guud, inuu wadatashi la sameeyo dowladda federaalka Soomaaliya, si dib u eegis loogu sameeyo UNSOM, loogana mira dhaliyo howshii loo xilsaaray.

 

 

- Advertisement -