Su’aal sharci ah oo ka dhalatay xilka cusub ee loo Magacaabay C/raxmaan C/shakuur

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahaa mucaaradkii ugu weynaa ee dowladii Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu aqbalay xilka cusub ee loo magacaabay.

Hase ahaatee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa la sheegayaa inuu luminayo kursiga xildhbaanimo ee baarlamanka Somalia maadaama uu qaatay xil ka hoose Wasiir sida uu qabo qodobka 29aad ee dastuurka KMG ah ee (E) oo dhigaya oo dhigaya qodob ka mid ah sababaha uu Xildhibaanku ku weyn karo kursigiisa wuxuuna u qoran yahay sidatan:

Xubinimada Baarlamaanka Federalka waxaa lagu lumin karaa.

(A) Xubinta oo geeriyoota

(B) xubinta oo ay Lasoo gudboonaato xaalad xil gudasho la’aan joogto ah.

(C) xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay lagana aqbalo.

(D) ka maqnaasho laba kalfadhi oo isku xigta ayada oo aanay jirin sabab maangal ah.

(E) Hadii ay Xubintu aqbasho xil dowladeed oo aan wasiir aheyn.

(F) Hadii la hakiyo xuquuqdiisa muwaadinimo sida ku cad sharciga

Hadaba waxaa la isweydiinayaa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu la tanaasulayo kursigiisa Xildhibaanimo ama inuu iska daayo xilka loo magacaabay, maadaaama dastuurka dalka uusan aqbaleyn inuu labada xil isku hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -