(Sawirro) Haweeney loo Magacaabay taliye saldhig Boolis & hadal heyn ka dhalatay

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jen. Xijaar ayaa haweeney qurbaha ka timid u magacaabay taliyaha saldhiga Booliska degmada Shibis ee gobolka Banaadir

Baraha bulshada Soomaalida waxaa caawa si weyn u qabsaday sawirrada Samiira Naasir oo loo magacaabay taliyaha booliska degmada Shibis.

Samiira Naasir oo ah gabar dhalinyaro ah ayaa ka timid dalka Norwey oo ay ku soo barbaartay, waxna ku soo baratay Waa 23 jir ciidanka booliska ku soo biirtay sanadkii 2016.

Dadka isticmaalaja baraha bulshada gaar ahaan ragga ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyey Samiira iyo xilka loo magacaabay.

Ragga falcelinta sameynayey qaarkood ayaa sheegay in Samiira Nasir ay tahay gabar qurux badan oo aan habooneyn iney ka mid noqoto ciidamada, taas bedelkeedna ay ku wanaagsan tahay in nolosha lala qeybsado, qaar kale  ayaa ku kaftamay in haddii la xirayo ay doorbidi lahaayeen in la geeyo saldhiga Booliska Shibis si ay fursad ugu helaan iney la haasaawaan ama shukaansadaan Samiira.

Qaar kale oo Dadka falcelinta sameynayey ka mid ahaa ayaa isweydiinayey waxa Samiira ka keenay dalka Norwey oo ay ku heysatay nolol sare iyo fursado kale, ayna uga door biday iney ciidan ka noqoto dal halis ah oo maalin walba ay ka dhacaan dilal iyo qaraxyo.

Hase ahaatee Dumar badan oo falcelinta qeyb ka ahaa ayaa qabay fikir kuwaaas ka duwan, waxayna ku amaaneen Samiira sida geesinimada leh ee ay ugu biirtay ciidanka ayna taliye ugu noqotay rag badan oo ka tirsan Booliska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -