Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kim Jong-un oo balan-qaad aan looga baran u sameeyey shacabka dalkiisa

Hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay in dowladiisu ay sanadkan cusub uu ahmiyadda koowaad siinayo wax ka qabashada cunto yarida dalkaasi ka jirto iyo dhaqaalaha

Wuxuu hoggaamiyuhu ka garaabay xaaladda cakirneyd ee dalkiisa uu soo maray 2021-ka oo ay sababeen arrima badan oo isbiirsaday oo ay ka mid yihiin saameynta Coronavirus.

Hogaamiyaha ayaa ballan qaaday inuu si degderg ah wax uu uga qabanayo dhibaatooyinka cunnada, huga iyo hoyga ee haysata shacabka dalka Kuuriyada Waqooyi

Kim khudbaddiisa kuma soo hadal qaadin dalalka Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed uu xifaaltanka uu kala dhaxeeyo dalkiisa.

wuxuu hadalkaasi ka sheegay shir xisbiga talada dalkaasi hayo uu ugu talo galay munaasabad lagu xusayey sanad guurada 10-aad ee uu xilka qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Putin oo si adag uga hadlay aflagaaddeynta Nabi Muxammad NNKH

Cabdi Cade

Wiil uu dhalay Sargaal Mareykan ah oo weeraray goob lagu cibaadeesto

Cabdi Cade

Ciidanka Danab oo burburiyey fariisimo Al-Shabaab ku lahaayen Cali Yabaal (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---