Ciidamada Macawisleyda degaanka Mabaax, oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, ayaa galabta Maqribkii weerar qorsheysan ku qaaday koox al shabaab ah oo isku uruursatay aagga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weerarkaasi waxaa ka dhashay dagaal culus oo saacado kooban socday
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa Warbaahinta u sheegay inay weerarkaas ku dileen tiro badan oo Al Shabaab ah, howlgalkaasna uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.
Sidoo kale, waxay sheegeen inay ku guuleysteen ka hortagga waxay ugu yeereen dhagartii cadowgu halkaas ka maleegayay.
“Waxaa haatan socota qiimeyn ku saabsan khasaaraha lagu gaarsiiyay Khawaarijta, iyadoo saraakiishu noo sheegeen in meydad badan ay yaallaan goobta dagaalka oo ku taalla inta u dhexeysa Mabaax iyo Aadan-yabaal” ayuu yiri sarkaal u hadlay xoogaga weerarka qaaday.