Allbanaadir.com
NEWS

Dhaqtarkii gaarka ahaa ee Marxuum Max’ed Siyaad Barre oo saaka geeriyooday

Waxaa Magaalada Nairobi ku geeriyooday saaka Allaha u naxariistee Dr. Axmed Max’ed Xassan oo ku magac dheeraa (Foodcadde) oo ka mid ahaa dhakhaatiirtii Soomaaliya ugu magaca dheereyn tan iyo xiligii berisamaadkii

Axmed wuxuu ku dhashay Magaalada Muqdisho sannadkii 1938-dii, Inta la ogyahay mar wuxuu ahaa dhakhtarka kali ah Soomaaliya oo dhan ee ka taqasusay daweynta Cudurada wadnaha.

Sidoo kale, Muddo dheer wuxuu ahaa dhakhtarka khaaska ah ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Sanadihii Lixdamaakii wuxuu noqday guddoomiyihii bisha cas ee Soomaaliya oo uu ku muteysatay abaalmarinno badan sida mid caalami ah oo ay siisay Hay’adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah ICRC.

Boqorada Britain Queen Elizabeth ayaa guddoonsisay abaalmarintaas billadda ahayd oo bisha cas ee Soomaaliya ay ku muteysatay shaqadii bani-aadminimo ee ay qabatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jen. Zakia oo laga qaaday xilka taliye xigeenka Boliska & Sarkaal caan ah oo lagu bedelay

Caydiid Ali

Faahfaahin: Haweeney isqarxisay & askari ilmo 4 jir ah ku kufsaday oo la xukumay

admin

Al-Qaacida oo sii deysay Dhaqtar reer galbeed ah oo todoba sano u afduubnaa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---