Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Laftagareen oo War kasoo saaray doorashadii looga adkaaday Musharaxii uu watay

Madaxweynaha  Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Hambaliyo udirey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo caawa lagu doortay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

“Waxaan Hambaliyo leeyahay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Waxaan Rabi uga barinayaa inuu la garab galo xilka culus ee loo doortay.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Alle uga rajeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) in uu la garab galo xilka culus ee ugu dhaartay ka shaqaynta Danta Dalka, Dadka iyo Diinta.

Sidoo kale waxa uu xusay Madaxweynaha doorkii Wanaagsanaa ee ay ka qateen Xildhibaanada, Guddoomiyihii Ku-meel-gaarka ahaa iyo Guddigii Qabanqaabada Doorashada Guddoonka inay qabsoonto Doorasho Xur iyo Xalaal ah.

 

Related posts

Shaqsigii bixiyey qishka Imtixaanka Dugsiyada Sare oo la shaaciyey, lana xiray

Caydiid Ali

Shiikh Shariif oo si yaab leh uga hadlay ciidan ka tirsan NISA oo lagu soo tababarayo dibeda

Caydiid Ali

Shan qodob oo la xiriirta xaaladda Suuriya maalin kadib dhicistii xukunka Assad?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---