Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo wareegii koobaad lagu kala baxay (Yaa ku Guuleestay)

Waxaa goordhaw soo dhammaatay wareega koobaad ee doorashada guddoomiyaha Aqalka Sare ay ku tartamayeen saddex musharax oo kala ahaa Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Saalax Axmed Jaamac iyo Cusmaan Abokor Dubbe .

Doorashadan oo loo galay olole xoogan ayaa lagu kala baxay wareegii koobaad,waxaana ku guuleestay guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo helay 28-cod halka musharaxii kusoo xigay Saalax Axmed uu helay 24- Musharax Dubbe ayaa helay 2-cod.

Sida ay shaaciyeen guddiga doorashada wareega koobaad ee doorashada ayaa waxaa ku guuleesanaya musharaxii hela 28-cod, waxaana codadkaasi helay guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Doorashada goordhaw dhacday ayaa guul daro kasoo gaartay kooxda Nabad iyo Nolol uu hormuud u yahay Madaxweyne Farmaajo, waxaana doorashada kusoo baxay Cabdi Xaashi oo kahor yimid damacii Farmaajo ee muddo kororsiga.

Natiijada doorashada guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sare u qaadeysa rejo xumada nidaamka Nolol iyo Nabad, waxaana la filayaa in beri iyana la qabto doorashada guddoonka gollaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Booliska Uganda oo wadaad Muslim ah ku dilay duleedka Magaalada Kambala

Caydiid Ali

Ciidamo dowladeed oo tuulada Karma ku laayey dad ka badan 130 shacab ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamo Itoobiyaan ah oo laga sagootiyey Magaalada Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---