Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Axmed Karaash oo wareegtadii 1aad soo saaray tan iyo markii uu Deni aaday Muqdisho

Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowladda  Puntland  oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobalka Mudug.

Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer Kusime Madaxweyne Lr. 93, April 24, 2022, kuna saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka dowladda Puntland.
Markuu arkay:- Baahida Shaqo ee Jirta.
Markuu tix geliyey:- Aqoontiisa iyo Waayo-Aragnimadiisa Shaqo.

Wuxuu u Magacaabay:- Faysal Shiikh Cali Maxamed Guddoomiyaha gobolka Mudug,. isagoo bedelaya Guddoomiyihii hore C/ladhiif Muuse Sanyare oo ka mid noqday xildhibaanada cusub ee golaha shacabka BFS.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuuna saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo dadkeeda ka mamnuucday nooc ka mid ah dharka la xirto (Sababta)

Caydiid Ali

Beer Dalxiis loo tago oo bilowday Qorshe cajiib ah si aan qashin loogu dhax tuurin !!

Cabdi Cade

Maxaabiis ku jirtay xabsi weyn oo hub helay, ka dibna dhexdooda islaayey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---