Maxaabiis ku jirtay xabsi weyn oo hub helay, ka dibna dhexdooda islaayey (Sawirro)

Ugu yaraan 24 ruux ayaa ku geeriyootay weerar rabshado watay oo ka dhacay xabsi ku yaala dalka Ecuador oo ka mid ah wadamada Laatiin Amerika.

Warbaahinta dawlada ayaa baahisay in maxaabiis ku xirnaa xabsi ku yaala gobolka Guyawas ay dhexdooda dagaalameen kadibna ay taasi keentay dhimashada 24 maxbuus iyo dhaawaca tiro kale oo aad u badan.

Gudoomiyaha gobolka uu xabsiga ku yaalo ayaa warbaahinta u sheegay in maxaabiis dambiyo kala duwan loo haystay ay hub heleen kadibna ay dhexdooda dagaalameen.

Telefishinka dawlada ayaa laga daawaday muuqaalka maxaabiista oo is rasaasaynaya xabsiga dhexdiisa kadibna ay ciidamada dawlada xoog ku galayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -