Xildhibaanadii lagu soo doortay Ceel-Waaq oo lagu dhegan yahay loona diiday in la dhaariyo

Xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa loo diiday in la dhaariyo sidoo kale la siiyo kaarka rasmiga ah ee aqoonsiga Xildhibaanimo.

Xildhibaanadan oo gaaraya 16-xildhibaan ayaa horey guddiga doorashada heer federaal waxa ay u siiyeen shahaadada Xildhibaanimo, hasa ahaatee waxaa ku adkaatay xildhibaanadan in la dhaariyo si ay u noqdaan xildhibaano rasmi ah oo cod leh.

Guddiga doorashada heer federaal oo shalay qoraal soo saaray ayaa ugu baaqay guddoonka KMG ee gollaha shacabka in uu dhaariyo Xildhibaanadan lagu soo doortay Ceel-Waaq, waxa ayna guddiga sheegeen in xildhibaanadan lagu soo doortay habraac sax ah.

Guddoonka KMG ee Gollaha shacabka ayaa la sheegay in uusan aqbalin dhaarinta Xildhibaanadan, waxaana shalay iyo maanta siyaabo kala duwan loogu dhaariyay xarunta Villa Hargeysa xildhibaano horey loo doortay, hasa ahaatee waxaa la reebay kuwa Ceel-Waaq lagu soo doortay.

Madaxweynaha Soomaaliya ee muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Farmaajo ayaa dhawwaan qoraal uu soo saaray sharci daro ku tilmaamay xildhibaanada lagu dooranayo Ceel-Waaq iyo Garbahaarey, waxa uuna amray in aan la ansixin xildhibaanadaasi.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo guddiga doorashada heer federaal ayaa dedaal badan ku bixinaya sidii Xildhibaanadan loo dhaarin lahaa si ay qeyb uga noqdaan doorashada guddoonka goolaha shacabka.

Maalinta arbacada ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada guddoonka gollaha shacabka, lamana oga in 16-ka xildhibaan ee lagu soo doortay Ceel-Waaq in qeyb ka noqon doonaan xildhibaanada codka ku yeelan doona doorashada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -