Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash ayaa guddi baaris kusoo sameeya u saaray weerarkii habeeno kahor lagu qaaday bee uu ku sugnaa wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdi Siciid.
Weerarkan ay fuliyeen ciidamada Puntland ayaa ka dhacay beer kutaala magaalada Gaalkacyo , waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Weerarkan ayaa la sheegay in uu ahaa shirqoil la doonayay in lagu dilo Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo safar ku tagay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo .
Halkan ka akhriso magacyadda guddiga uu magacaabay Axmed Karaash
1: Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan. (Wasiir ku xigeenka Amniga iyo DDR). Gudoomiye
2: Xil Axmed Jaamac Cabdulle. (Xildhibaan Puntland).
3: Xil Cabdiweli Yuusuf Warsame. (Xildhibaan Puntland).
4: Gen. Caydiid Axmednuur Warsame. (Kusimaha Taliyaha Booliiska Puntland).
5: Aadan Cali Maxamuud. (Kusimaha Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Puntland)
6: Asad Faarax Maxamed. (Xoghayn)
https://www.youtube.com/watch?v=9ezvDZo1xs4&t=166s