Taliye Xijaar oo sheegay dhibaato oo heesata ciidanka Booliiska ee ka howlgala Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay u muuqatay mid ammaankeeda uu faraha kasii baxayay, waxaana magaalada ka dhacayay dilal ay geesanayaan kooxo hubeesan, askar katirsan ciidanka dowladda iyo ciyaal weero.

Ciidamada booliiska ee ka howlgala degmooyinka gobolka Banaadir ayaana ku guuldareestay wax ka qabashada xaalada ammaan daro ee kusoo korortay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaoiyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in ay jiraan dhibaatooyin u gaar ah oo heesta booliiska Soomaaliyeed kuwaa uu sheegay in aysan ka warqabin bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay taliyaha in habeen kasta booliiska laga dilo labo ilaa saddex askari iyaga oo la dagaalamaya burcad hubeesan, waxa uuna xusay hadii booliiska dilaan burcada si kale loo fasirayo lana sheegayo in booliiska dil geesteen .

Jeneraal Xijaar ayaa sheegay in dalkan uu leeyahay cadaw badan oon ogoleyn in nabad lagu wada noolaado, waxa uuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ciidamada kala shaqeeyaan ammaanka ayna joojiyaan dacaayada ka dhanka ah ciidanka.

Hadalkan kasoo yeeray taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ammaanka Muqdisho uu faraha kasii baxay ayna dhibaatooyin ka geesanayaan caasimadda xoogag hubeesan, burcad qaarkood xiran dareeska ciidanka iyo ciyaal weero.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -