Erdogan oo dhigiisa Israa’iil u cadeeyay sida uu uga careesan yahay Weerka Masjidka Al-Aqsaa

Ciidamada Yahuuda Israa’iil ayaa dad badan oo Falastiiniyiin ah ku dhibaateeyay weerar ay ku qaadeen masjidka barakeesan ee Al-Aqsaa, waxaana tan iyo jimcihii gudaha Masjidka iyo hareerihiisa ka socday isku dhacyo.

Ciidamada Israa’iil ayaana rasaas u adeegsaday dadka ku sugan masjidka Al Aqsaa, waxaana masjidka weerarka ay ku qaadeen ciidamada Israa’iil ku dhaawacmay dad ku dhaw 220-qof oo shacab Falastiiniyiin ah.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Tayyib Erdogan oo telfoon kula xiriiray dhiggiisa Israa’iil Isaac Herzog, ayuu kala hadlay xaalada masjidka Al Aqsaa iyo weerarka ciidamada Yahuuda ku qaadeen gudaha masjidka.

Erdogan ayaana u cadeeyay Madaxweynaha Israa’iil sida uu uga careesan yahay ugana xun yahyay weerarka lagu qaaday masjidka Al Aqsaa ee lagu dhaawacay dadka badan ee u tagay masjidka in ay ku cibaadeestaan.

“Weerarradii ay kooxaha xagjirka ah” ka geysteen masjidka Al-Aqsa maalmihii la soo dhaafay iyo rabshadaha Gaza ku faafay ayaan ku wargeliyay Madaxweynaha Israa’iil sida aan uga xumahay” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Erdogan.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa marar badan cambaareeyay weerarada Israa’iil ku heyso shacabka Falastiin, waxa uuna Erdogan uu kamid yahay hoggaamiyaasha sida weyn ugu hiiliya shacabka Falastiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -