(Sawirro) Raisul Wasaare Xamse oo qodobo muhim ah kala hadlay danjire Pirkka Tapiola

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Filand ee Soomaaliya, Pirkka Tapiola.

Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dowladood ee Somalia iyo Finland iyo dadaallada dib-u-xoreynta ee dowladdu ay ku ciribtiteyso Al-shabaab

Mr. Pirkka Tapiola ayaa bogaadiyay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray kacdoonka dib-u-xoreynta, waxuuna caddeeyay in dowladda Finland ay joogteynesyo garab istaagga dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Filand uga mahad celiyay garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay ka geysato arrimaha horumarinta bulshada gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -