Allbanaadir.com
NEWS

Dilal goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaqshiid lagu dilay labo askari oo katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya , waxaana dilkaasi fuliyay rag biskoolado ku hubeesnaa.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in labada askari ee la dilay ay ka kala tirsanaayeen ciidanka Minishiibiyada iyo ciidanka Xasilinta, waxaana baxsaday ragii hubeesnaa ee dilkaasi fuliyay.

Ciidamo katirsan Nabad sugida iyo booliiska ayaa gaaray goobta lagu dilay labada askari, waxa ayna ciidamada goobtaasi ka sameeyeen baaritaano ilaa hada wax natiijo ah aysan kasoo bixin.

Dilalkan loo geestay labada askari ee katirsan ciidanka dowlada ayaa imaanaya xili xalay meel ku dhaw Isgooska Dabka ee Degmada Howl Wadaag lagu dilay nin ganacsade ahaa oon wali la ogeyn wax loo dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: DF & Madasha Xisbiyada oo xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Caydiid Ali

Ciidamada booliiska Muqdisho oo saakay fashiliyay Qarax la doonayay in dad lagu dhibaateeyo

Cabdi Cade

Feysal Cali Waraabe: “Waxaan hayaa Xog qarsoon oo la xiriirta kulankii Biixi & Farmaajo”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---