Guddiga doorashada oo maanta shaaciyay liiska xildhibaanada qaatay Shahaadada

Guddiga doorashada heer federaal ayaa maalintii saddexaad shahaadada musharaxnimo siiyay xildhibaano katirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada ayaa maanta siiyay shahaadada musharaxnimo 18 xildhibaan oo ka kala tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada qaatay shahaadada xildhibaanimo ayaa gaaraya 130 xildhibaan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda shahaadada qaataan xildhibaano kale oo gobolada iyo dalka dibaddiisa ku kala maqan.

Halkan ka akhriso magacyada xildhibaanada maanta qaatay shahaadada

1. Ibrahim Awgab Osman AS#06
2. Hassan Idow Mohamed AS#22
3. Nor Mohamed Gedi AS#18
4. Abdiwahab Abdi Omar GSH#270
5. Mohamud Abdullahi Ahmed GSH#006
6. Yusuf Ibrahim Afrah GSH#033
7 Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) GSH#058
8. Malik Ibrahim Abdalla GSH#66
9. Ifrah Mohamed Awed GSH#037
10. Abdillahi Bidhan Warsame GSH#235
11. Abdirahman Mohamed Mohamud (Faroole) AS#46
12. Fardowsa Osman Egal HOP#232
13. Saredo Mogamud Hassan (Jeyte) AS54
14. Deqo Hassan Hussein AS#43
15. Maxamed Deeq Barre Cumar GSH008
16. Abdisamad Yusuf Mohamed UH#52
17. Mohamed Bashiir Ali GSH#083
18.Hirsi Jama Ganni GSH#223

Waxaan ku u mahadcelinayaa Xildhibaanadii Labada Aqal ee Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay nala ilaaliyey waqtiga, waxaan sidoo kale ku boorrinaynaa Xildhibaanada aan wali qaadan inay dhowraan Jadwalka dhammeystirka Doorashada, yimaaddaanna Xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotel.

- Advertisement -