Soomaali kunool dalka Canada oo la tarxiilayo iyo Sababta ka dambeesa oo la ogaaday

Dowladda Canada ayaa qorsheeneysa in dalkeeda ka tarxiisho qaar kamid ah Soomaalida sannado badan dalkaasi kunoolaa, kuwaa oo lagu helay in ay heestaan baasabooro dalal kale oo nabad ah .

Soomaalida laga tarxiilayo dalka Canada ayaa lagu heestaan in ay qariyeen sharciyo kale ay heestaan gaar ahaan baasaboorka Kenya, waxa ayna Soomaalida sheegteen markii ay Canada gaareen in ay ka yimaadeen Soomaaliya ayna heesan sharciyo wadamo kale.

Qaar kamid ah dadkii ay go’aamisay dowladda Canada in dalka dib looga celiyo ayaa haatan sugayaa go’aanka kama dambeysta ah, waxa ayna dadkan ka walaacsan yihiin in dalkii ay sanadaha kunoolaayeen laga tarxiilo.

Soomaalida kunool dalka Canada qaarkood ayaa sameeyay banaan baxyo ay uga soo horjeedaan tarxiilka, waxa uuna banaan baxan sababay in dowladda Canada dib u dhigtay qorshaheeda tarxiilka.

Dadka laga tarxiilayo Canada ayaa lagu helay in ay dalkaasi ku galeen baasabooro dal kale oo nabad ah isla markaana ku andacoodeen in Soomaaliya uu ka yimaadeen, waxaana dadkaasi wajahayaan masaafurin marka la xaqiijiyo in sharci dal kale oo aan Soomaaliya aheyn uu kusoo galeen Canada.

Dowladda Canada ayaa sanadihii lasoo dhaafay dalkeeda kasoo tarxiisdhay Soomaali badan oo qaarkood dalkaasi dambiyo ka galay iyo kuwa kale oo iyana lagu helay in ay ka yimaadeen waddamo kale oo nabad ah aan aheyn Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -