Madaxweyne Laftagareen oo cadeeyay Sababta Janaraalo ugu soo daray Baarlamaanka cusub

Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya ayaa sannadkan lagu soo daray xubno badan oo saraakiil ciidan ah, kuwaa oo siyaabo kala duwan loogu soo doortay dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Saraakiisha ciidamada ee kamid noqday Baarlamanaka federaalka Soomaaliya ayaa isugu jira kuwa hore oo howlgab ah iyo kuwa cusub oo qaarkood xilal hayeen, waxaana saraakiisha sannadkan yihiin kuwa ka dhax muuqda Baarlamaanka cusub.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagreen oo xalay ka hadlay munaasabad sagootin ah uu u sameeyay Xildhibaanada cusub ayuu sheegay in Koonfur Galbeed saraakiil jannano ah kusoo darsadeen Baarlamaanka cusub.

Waxa uu xusay markii maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira Baarlamaanka kusoo darsadeen saraakiil iyaguna dhankooda ku darsadeen saraakiil waayo-arag ah, waxa uuna xusay in Xildhibaanada Koonfur Galbeed matalaya sannadkan nuuc kasta uu ku jiro.

“Baarlamaanka waxaa ku jiro oo Maamulada kale markii ay keeneen aan annagana keennay waxa la yiraahdo Janano, intaas oo dedaal ah markii ay marayeen reer Koofur Galbeed ujeedadeeda waxa ay ahayd in aan dib inta nagu soo noqotaan oo aan na dhihin waxaas ma qabno oo kuwaas ayaa qaba, wax weliba oo Soomaali heysato waad heysataan, haddii Aqoon ay tahay, Haddii waayo-aragno tahay, Haddii Jananimo tahay, Haddii dhalinyaronimo tahay, Haddii Diin ay tahay iyo haddii ay Maadi tahayba intaba waad heysataan ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Xildhibaanada saraakiisha ee sannadkan ku matalaya Koonfur Galbeed waxaa ku jira taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan oo sidoo kale ah soddoga Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -