Maraykanka iyo Midowga Yurub oo ka hadlay talaabada DF kaga laabatay muddo Kororsiga

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa siyaabo kala gooni ah uga hadlay ka noqoshadii Muddo kororsiga Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Aqalka hoose ee Baarlamanka Somalia.

Qoraal ay barta twitter-ka soo dhigtay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayey ku soo dhoweysay go’aanadii Madaxweynaha iyo Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaan soo dhaweyneynaa talaabada ay maanta qaadeen madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka. Waxaan sidoo kale soo dhawaynaynaa doorka ra’iisal wasaare Rooble uu ku leedahay hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya, waana in Doorashada loo qabto sida dhaqsiyaha badan ee ugu macquulsan” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Mareykanka.

Sidoo kale, kale Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyay isbedelka ay sameeyeen Farmaajo iyo baarlamanka

“Hadda ma jiri doono qas iyo qalalaase, Rooble waa inuu ku tiirsanaadaa taageerada wax ku oolka ah ee dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo siyaasiyiinta kale hannanka geeddi-socodka ay Soomaalidu hoggaamineyso” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wakiilka Midowga Yurub ee Somaalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -