Musharax Saciid Ciise: “Gacan ku-dhiiglayaal xasaanad huwan ayaa fuliyey dilka Xildhibaanad Aamina

Gudoomiyaha Xisbiga dadka ahna Musharax u taagan tartanka doorashada Madaxweynaha Somalia Prof. Saciid Ciise Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyey weerarki xalay ka dhacay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan oo ay ku naf waayeen dad fara badan oo ay ku jirtay Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi, halka qaar kale oo badana ay ku dhaawacmeen.

Prof. Saciid Ciise Maxamuud ayaa xusay in falkaas ay ka dambeeyeen koox gacanku dhiiglayaal ah oo xasaanad dowlad huwan.

“Ceeb iyo Cambaareyn waxaa mutaystay gacan ku dhiigleyaasha dilaaga ah oo dhiiga shacabka daadintiisa ku muteystay helista xasaanad iyo xilal dowladeed, haddana ceebta dembiyadooda ku doonaya iney xasuuqida shacabka ku helaan ka mid noqoshada tartanka kursiga ugu sareeya dalka. Dareenka tacsida dadka la diley waxaa ka awood xoogan cambaareynta gacan ku dhiigleyaasha isku qarinaya xasanada iyo xilalka dowladda” ayuu yiri Saciid Ciise.

Gudoomiyaha Xisbiga dadka ayaa tacsi murugo leh u diray qoysaska iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen dhamaan dadkii ku naf waayey weerarkii Baladweyne, isagoo ALLE uga baryey inuu janadii ka waraabiyo, wuxuuna kuwa dhaawaca ah u rajeeyey inuu ALLE u boogga dhayo.

“Xanuunka ay leedahay murugada indheer garadka la dilo ma ahan oo keliya mida ah marxuumka tiiraanyadiisa, waxeyse tahay mida ugu xooggan mida loo qabo dilaaga huwan xasanada iyo xilalka dowladda oo waxgaradka shacabka iyo masuuliyiinta dowladda aysan ciduna wax ka qabaneyn, haddana islamarkaas ay dilalkooda ku qurxiyaan bud-dhiga ubax iyo tacsi ay ku jirto dhoola cadeyn ay ka muuqato jeesjees.” ayuu intaas ku daray .

Prof. Saciid Ciise ayaa baaq u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed isagoo ku booriyey iney la xisaabtamaan kuwa xukunka dalka haya.

“Xanuun joogto ah oo shacabka ka hormuuqda xalkeedu waa in shacabku ay cadaaladooda ku raadsadaan gacmahooda iyagoon isku haleyn matelaada xubno iyaga ka mida oo si maqaar saara uga soo muuqda xilalka dowlada amaba ku daaban dembiileyaasha xalaaleystay xasuuqa dhiiga shacabka. Taas waxey soo afjareysaa xadgudubyada ay geysanayaan dembiileyaasha huwan xasanada iyo xilalka dowladda oo aysan sowladdu waxba ka qaban karin, balse abaalkooda ay marsiyaan cadaalada xaqa ah ee ka dhalata wadajirka gacmaha dadweynaha” ayuu intaas ku daray Dr. Saciid

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “In shacabku iyagoo ka madaxbanaan dowladda ay iska caabiyaan hororka dhiigyocabka ah waxaa ka horeysa iney yeeshaan dhaqdhaqaaq jabhad aqoonyahan oo aan hubeysneyn oo madax u ah maxkamadda dadweynaha. Taas ayaa waxey hordhac u tahay hagidda waxgaradka shacabka oo lagu hiigsanayo himilooyinka looga hortegayo xiliga kala guurka dembiileyaasha caadeystey daadinta dhiiga shacabka iney xukunka sii joogaan ama ay u tartamaan xilalka sare ee dowladda”

Musharax tartanka doorashada Madaxweynaha Somalia Prof. Saciid Ciise Maxamuud ayaa hadalkiisa ku soo gebagebeeyey:-

“Caalamka waxaa sharci guud ka ah xeerar caalamiya oo aan qorneyn, kuwaas oo ay ka mid tahay wixii lagu waayo sharci dowladeed oo heshiis lagu wada yahay in lagu raadsado xoog iyo xeelad midii aad ku heli kartid, laakiin aadan ka sugin sharci caalamiya inuu ku soo dhiciyo xuquuqdaada iyo xoriyadaada oo ah halgan lagama maarmaan u ah arrimahaaga gudaha. Taas oo ah inaad fahamtid inuu yahay awood ka baxsan waajibaadkooda oo ay ka madaxbanaan yihiin bulshada caalamka”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -