DF iyo AMISOM oo isla diyaariyey ajende la horgeynayo Golaha amaanka ee QM (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shir lagu hirgelinayey Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso Amniga Dalka (STP) oo dib-u-habayn lagu sameeyey, kaas oo uu soo qaban qaabiyey Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada JFS, ayna ka soo qayb galeen masuuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo metelayey Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Saaxiibbada Soomaaliya ka taageera dhanka amniga.

Dib-u-habayntan Qorshaha ay Soomaaliya si buuxda saaxiibbadeeda dhanka amniga ka taageera uga la wareegayso mas’uuliyadda sugidda Amniga Dalka, oo muddo laga shaqaynayey ayaa maanta la isku raacay hirgelintiisa, iyada oo 31-da bishan Qorshahan la horgayn doono Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Qorshahan ayaa dhabbaha u jeexaya soo afjaridda magaca Hawlka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyada oo la isku raacay in magaca Hawl-galku noqdo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), si buuxdana loo soo gabagabeeyo Sannadka 2024-ka. Dhanka kale, waxaa la isla meel dhigay halbeegyada iyo ujeeddooyinka istaraatiijiyadeed ee hagaya Waajibaadka shaqo ee hawlgalka ATMIS, qorshaha gabagabaynta hawl-galka iyo qorshaha bixitaanka Ciidamada, iyada oo la raacayo hagitaannada iyo jihaynta dowladda Soomaaliya.

Dhammaan masuuliyiintii kala duwanaa ee ka qayb galay shirka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxiibbada Beesha Caalamka ayaa si weyn u soo dhoweeyey Hirgelinta Dib-u-habaynta Qorshaha Amniga Soomaaliya (STP), iyaga oo hoosta ka xarriiqay in si buuxda loogu wada diyaar garoobo in Dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo Masuuliyadda Amniga Dalka ugu dambayn Sannadka 2024-ka.

- Advertisement -