Muuse Biixi oo lagu soo dhoweeyey aqalka Baarlamanka Mareykanka (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa oo ku guda jira safarkoodi Maraykanka maalintii Afraad ayaa la kulmay Xildhibaan ka tirsan Aqalka Odayaasha ee Maraykanka Senator Chris Van Hollen ahna Gudoomiyaha Guddi hoosaadka, Guddida Arrimaha Dibeda ee Aqalka Odayaasha u qaabilsan Afrika iyo Xildhibaan kale oo ka tirsan Aqalka hoose ee Maraykanka, Adam Smith, ahna gudoomiyaha Guddida  Adeega Ciidamada ee Golaha Wakiiladda Maraykanka.

Kulankan oo ka dhacay Aqalka Baarlamaanka Maraykanka ee Capital Hill, waxa madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa qado Sharaf ugu sameeyey Senator Chris Van Hollen oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale, waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, iskaashiga dhinaca horumarinta iyo ilaalinta duur-joogta iyo deegaanka.

Dhinaca kale Biixi ayaa isla Capital Hill kula kulmay xidhibaan Adam Smith, waxaanu xildhibaanka ku qaabiley weftiga madaxweynaha xafiiskiisa, iyadoo kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka laba dal iyo amniga mandaqada geeska Afrika iyo gaar ahaan iskaashiga amniga Somaliland iyo Maraykanka.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu u mahadnaqay baarlamaanka Maraykanka dedaalka ay la barbar taagan yihiin Somaliland iyo Taageerada ay marwalba u muujiyaan sidii ay Somaliland u noqon lahayd dal adduunyada ka mid noqda oo ka hela wixii ay xaq ugu leedahay.

 

- Advertisement -