Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Warshada tamarta Nukliyerka ugu weyn qaarada Yurub oo la duqeeyey

Warshada tamarta Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub, ee Zaporizhzhia, ayaa gubatay subaxnimadii hore ee saaka kadib markii ciidamada Ruushka ay ku qaadeen weerar.

Warshaddan oo sameysa 25% awoodda korontada Ukraine ayaa ku taal daanta webiga Dnieper oo 700 oo kiilomitir koofur-bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

“Natiijada duqeymaha joogtada ah ee cadowga ee dhismayaasha iyo cutubyada warshadda tamarta nukliyeerka ee ugu weyn Yurub, ee Zaporizhzhia ayaa gubaneysa” ayuu yiri Duqa magaalada Dnieper Dmytro Orlov.

Ciidamada Ruushka ayaa beegsaday xaruntaasi, iyagoo gantaal ku dhuftay mid ka mid ah lixda qeybood ee warshadda, inkasta oo warar dambe ay sheegayaan in dabku uu ka bilowday meel ka baxsan xayndaabka dhismaha, isla markaana ay u muuqatay in ammaanka warshadda lasoo celinayo, sida uu maamulaha warshadan u sheegay Telefishinka Ukraine 24.

Afhayeenka warshada Andriy Tuz ayaa u sheegay telefiishanka Ukraine in dab-dhaliyaha gubanaya uu ahaa mid uu dayactir ku socday oo aanu aheyn mid shaqaya.

.Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=DzqDcCLIrZs

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka qaraar ee ciidamada Ruushka iyo Ukraine (Sawirro)

Caydiid Ali

Sheekh Aadan Sunne oo Shaaciyay in uu ku biiray Al Shabaab kana hadlay halka uu joogo

Cabdi Cade

Madaxwene Jocob Zuma oo si cad u diiday in uu is casilo 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---