Sheekh Aadan Sunne oo Shaaciyay in uu ku biiray Al Shabaab kana hadlay halka uu joogo

Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) oo kamid ahaa culimada kunoolaa magaalada Hargeysa ayaa dhawwaan halkaasi si dhuumaaleesi ah uga tagay ayaa qiray in uu ku biiray kooxda Al Shabaab.

Wareysi uu Sheekh Aadan Sunne siiyay Idaacada BBC-da ayuu ku sheegay in uu kasoo tagay magaalada Hargeysa uuna hada joogo deegaano ay maamulaan Xarakada Al Shabaab, waxa uuna ka gaabsaday in uu xaqiijiyo goobta rasmiga ah uu joogo.

Sheekh Aadan Sunne ayaa cadeeyay in isaga iyo qoyskiisa go’aansadeen in ay isaga soo tagaan magaalada Hargeysa uu tilmaamay in dhibaatooyin badan kala kulmay uuna xur u ahaan waaayay aragtidiisa iyo ku dhaqanka shareecada.

Waxa uu sheegay Sheekh Aadan Sunne in isaga iyo qoyskiisaba hada si nabad galyo ah ugu suganyihiin deegaanada Al Shabaab, waxa uuna cadeeyay in uu si rasmi ah ugu biiray kooxdaasi uuna qeyb ka yahay waxii hada ka dambeeya.

Sheekh Aadan Sunne ayaa beeniyay in sababta uu Al Shabaab ugu biiray in ay tahay in hoggaankeeda sare doonayo in uu noqdo, waxa uuna xusay in uusan isagu marnaba dooneyn mansab balse kaliya doonayo kaliya in uu qeyb ka noqdo kooxdaasi.

Maamulka Somaliland ayaa dhawwaan shaacisay in Sheekh Aadan Sunne ka baxsaday magaalada Hargeysa , waxaana wadaadkan oo mayal adag marar badan lagu xiray magaalada Hargeysa iyadoona lagu tuhmayay in Al Shabaab katirsan yahay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -