Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Laftagareen oo arrimo muhiim ah kala hadlay Marwo Anita Kiki (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada ku-meel gaarka uah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ay Hogaaminaysay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay Marwo Anita Kiki Gbeho,

Kulanka Madaxweynaha iyo Anita Kiki waxaa looga Hadlay Arrimo dhoor ah oo ay kamid yihiin saameyta ka dhalatay abaaraha ka jira deegaano katirsan Koonfur Galbeed, Doorashooyinka iyo Amniga.

Laftagareen ayaana warbixin ka siiyay wefdiga ka socday Qaramada Midoobay halka ay marayaan doorashada xildhibaanada gollaha shacabka iyo sida ay uga go’antahay in doorashada loo soo gabagabeeyo bishan marso dhaxdeeda.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale wefdiga uu la kulmay uga warbixiyay xaaladda abaareed ee ka jira deegaanada Koonfur Galbeed iyo saameynta abaartu ku yeelatay dad iyo duunyaba kunool dhulka miyiga .

https://www.youtube.com/watch?v=wqsMo3bOGcA

Related posts

Dowlad ka tirsan Yurub oo canshuur ka qaadeysa qof kasta oo guriga ku heysta TV

Caydiid Ali

Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Danjire Nicolás Berlanga (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Muxuu kala soo Noqday Ra’iisul Wasaare Rooble Safarkii Garoowe? (Fikirkaaga dhiibo)

admin
Taboola Ads ---