Allbanaadir.com
NEWS

Dib u habeyn balaaran oo lagu sameeyo garoonka Aadan Cadde oo laga shiray (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir  Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta aqalka Dowlada Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS  Duraan Axmed Faarax iyo Mas’uuliyiin kale.
 
Kulankaan dhax maray Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta la socotay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimo dhoor ah oo khuseeya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
 
Masuuliyiinta ayaana kulankooda iskula gartay sidii dib u habeyn balaaran loogu sameyn lahaa Garoonka Diyaaradaha Adan Cade ee magaalada Muqdisho gaar ahaan in Garoonka loo sameeyo qeyb Gaadiidka lagu Baakimo .
 
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay in laga taxadaro dhibaatada ka dhalan karta Taawarada dhaadheer ee kuyaalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde hareerihiisa , waxaana labada dhinac kulmay isla garteen hirgalinta waxaayabaha ay kawada hadleen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://m.youtube.com/watch?v=uT2zSGGYrQ4

Related posts

Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qabtay Hub iyo kooxo falal amaan daro waday

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka Kumaandooska oo nolosha ku qabtay xubno katirsan Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade