Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

(Sawirro) Deni iyo wafdi uu horkacayo oo si diiran loogu soo dhoweeyey degmada Carmo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo, ayaa galabta si weyn loogu soo dhoweeyay degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaannada cusub ee loo doortay in ay Puntland ku metelaan labada Aqal ee Baarlamaanka JFS iyo Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland.

Deni iyo wafdigisa ayaa inta aysan degmada Carmo  kormeeray Buundada Wadada deegaanka Qayaad-same  halkaasoo uu ku socdo dhisme iyo dayactir lagu sameynayo Buundada.

Dhismaha iyo dayactirka buundadan ayaaa marayaa meel gabagabo ah waxaan la filaya in dhowaan xarigga laga jaro, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari oo ay ka bilaabaneyso doorashada xubno ka tirsan golaha shacabka.

Related posts

Farmaajo iyo Xassan Shiikh oo isku soo haray wareega finalka & codeynta oo bilaabatay

Caydiid Ali

Madaafiic lagu Weeraray xarunta AMISOM ee Xalane & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Mareykanka oo Muhaajiriintii u horeysey ku xiray Guantanamo Bay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---