Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Gudoomiye ku-xigeenkii hore ee Gobolka Banaadir oo Xildhibaan loo doortay (Sawirro)

Maanta oo taariikhdu tahay 17-da Febaraayo 2022 guddiga Doorashada Galmudug wuxuu qabtay Doorashada Kursiga nambarkiisu yahay HOP035 oo 2 musharax isku diiwaangeliyeen, kalana ah:-

1- Cumar Cali Cabdi
2- Cabdullaahi Axmed Cabdi

Waxaa ka tanaasulay tartanka doorashada Cabdullaahi Axmed Cabdi waxayna ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen sida habraacu yahay musharax Cumar Cali Cabdi. waxaana ogol ugu codeeyey 97 ergada ah, Maya waxaa ku codeeyey 2 ergo ah, waxaa ka aamusay 2 ergo ah, kooramka wuxuu ahaa 101 ergo ah

Sidoo kale Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) oo uu abti u yahay Madaxweyne Qoorqoor iyo Mahad Salaad Maxamed ayaa saaka ka mid noqday xildhibaanada cusub ee golaha shacabka ka dib doorasho gacantaag aheyd oo ka dhacday Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Shacabka Muqdisho oo qaati ka taagan dhac kusoo batay magaalada

Cabdi Cade

Maandooriye & raggii ka ganacsanayey oo Muqdisho lagu soo bandhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

K/Galbeed oo shaacisay doorashada 6 ka mid ah kuraasta Golaha shacabka (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---