Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo raali gelin buuxda ka bixiyey xad gudub lagu eedeeyey

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa raali-gelin buuxda ka bixiyey xafladihii lagu qabtey xafiiskiisa xili ay jirtay xanibaada COVID-19 kaddib markii warbixin laga soo saaray baaritaan ay wadey gabar sarkaalad ah oo dowlada u shaqaysa.

Ra’iisul Wasaare Johnson ayaa balan-qaadey in uu xalin doono khaladaadkii dhacay.

Johnson ayaa waxaa ku sii kordhaya cadaadis loogu baaqayo inuu is-casilo sababo la xiriira xafladdan oo loogu magac-daray “Partygate”, taasoo dhacday inay ay socdeen xayiraadihii COVID-19.

Hoggaamiyaha mucaaradka ee hor kacaya xisbiga shaqaalaha UK ee Labour-ka, Sir Keir Starmer, ayaa mar kale ku celiyey dalabkiisa ku aaddan in Ra’isalwasaare Boris Johnson uu baneeyo xafiiska.

Sir Kier Starmer ayaa Ra’isul wasaaraha ku eedeeyay inuu yahay nin naftiisa badbaadinaya, isagoo sheegay in danta dalka ay ku jirto in Boris Johnson uu is caliso.

Hoggaamiyaha xisbiga Labour-ka wuxuu sheegay in codbixiyayaashu ay ka caraysan yihiin sida Ra’isal wasaaruhu uga mashquulay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin sicir bararka, uuna ku hawlan yahay inuu xilkiisa badbaadso”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Sawirro) Dayuurad Milateri oo ku burburtay Khartum & Wararkii u dambeeyey dagaalka

Caydiid Ali

Sirdoonka Mareykanka oo farta ku fiiqay Shakhsigii amray Dilka Jamal Khashoggi

Cabdi Cade

Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka oo maanta xilka la wareegay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---