Ciidamo katirsan Dowlada oo saakay dil ka geestay Muqdisho iyo Caro ka dhalatay

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa saakay darawal Mooto Bajaaj waxa ay ku dileen halka loo yaqaan Seybiyaano oo ku dhaw Isgooska Banaadir, waxaana dilkaasi aad uga carooday darawalada Bajaajta ku xamaasha.

Sida aan Wararka ku heleyno Ninka la dilay oo watay Mooto Bajaaj ayaa ka gudbay goob ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowlada, waxaana ciidanka dowlada Rasaas ay ku fureen mootada ay sababtay geerida darawalkii mootada waday.

Goob joogayaal ayaa sheegay in nin la dilay labo xabadood dhabarka uga dhacday sidaasna ku geeriyooday, waxaana wali la ogeyn in la qabtay askarigii dilka geestay iyo in uu goobta ka baxsaday.

Darawalo Mooto bajaaj oo ka careesnaa dilkan ayaa dibad bax kooban ka dhigay goobta lagu dilay ninka Bajaaj laha, waxaana markii dambe goobta isaga tagay Darawalada Mooto Bajaajlayda ee banaan baxa sameeyay.

Ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa Xasilinta iyo Minishiibiyada ayaa dhibaato joogto ah oo isugu jira dilal iyo dhibaateen kale magaalada Muqdisho ugu geesta dhalinyarada Bajaajyada ku xamaasha , mana jiro talaabo muuqata oo dowlada arintan ka qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -