Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka kaliya ee diiday in Liiska argagxisada laga saaro ONLF iyo Qalbi dhagax

Golaha Wasiirrada Somalia oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuumadda Sanadkii 2017, kaasoo ururka ONLF u aqoonsaday urur agagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax oo ka tirsanaa ururkaas kaasoo loo gacan geliyay Ethiopia.

Waxaa go’aankaas cod gacan taag ah ku ansixiyey dhamaan xubnaha golaha wasiirada marka laga reebo labo wasiir oo midkood diiday, kan kalena aamusay.

Wasiirka Maaliyadda xukuumada Somalia Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle  ayaa noqday wasiirka  kaliya ee diiday in laga laabto go’aanka loogu aqoonsaday ONLF urur argagixiso.

Sidoo kale, waxaa codeyntaas ka aamusay Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada ee Xukuumada Somalia Xamse.

Go’aanka maanta ka soo baxay golaha Wasiirada oo dad badan ay ku tilmaameen mid lala soo daahay oo ka dhashay khilaafka Madaxweynaha iyo raisul Wasaaraha dalka.

Related posts

Ciidamada Haramcad oo kala dhax galay Ciidamo ku dagaalamay Dayniile iyo Saraakiil …

Cabdi Cade

Abiy Axmed oo Hanjabaad cusub diray xili weeraro cusub bilaabeen TPLF

Cabdi Cade

Xildhibaanada Beesha Murusade oon ku farxin Shirweyne maanta ka dhacay Muqdisho

admin
Taboola Ads ---