Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

(Sawirro) Muxuu Madaxweyne Deni kala hadlay Xildhibaanadii lagu doortay Garowe?

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Xildhibaanada cusub ee loo doortay shalay inay Puntland ku metelaan Golaha Shacabka Somalia.

Deni ayaa u hambalyeeyay Xildhibaanada cusub wuxuuna wax ka tilmaamay shaqada adag ee sugeysa afarta sano ee soo socota isagoo u rajeeyay in alle u fududeeyo masuuliyadda loo doortay.

Ilaa shan xildhibaan oo ka mid noqonaya golaha shacabka Somalia afarta sano ee soo socota ayaa shalay lagu doortay Garowe, kuwaasoo iskugu jiray kuwo cusub iyo qaar horey kuraastaas u difaacanayey.

Shanta Xildhibaan ee shalay la doortay ayaa ahaa kuwo loo xiray kuraasya oo horey loo sii ogaa iney soo baxayaan, waxaana arrintaas oo boob doorasho lagu tilmaamay cabasho ka keenay musharaxiin doonayey iney tartamaan balse laga hor istaagay.

Related posts

Xarunta Gurmadka deg degga ee Dowlad Goboleedka Galmudug. oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Facebooka Ashraf Qaani oo la jabsaday iyo Ereyo lagu taageerayo Taliban oo lagu qoray

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Magacaabay Hanti Dhowraha iyo Xisaabiyaha Guud ee Jubbaland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---