Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW hore: “Qeyb kama ahi bayaankii ka soo baxay Madaxdii hore ee Puntland”

Ra’isul Wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa shaaciyey inuusan waxba kala socon qoraal la sheegay iney wadajir u soo saareen isaga iyo madaxdii hore ee Puntland.

Qoraalkan oo ay ku saxiixnaayeen  Madaxwayneyaashii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo C/wali Gaas iyo weliba Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayey kaga horjeesteen go’aanadii Isimadii 5-ta ahaa kasoo saareen xalka xiisadda hay’adda PSF ee ka taagneyd Boosaaso.

Hase ahaatee Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in qoraalkan aan lagala tashan.

“Bayaan loo qaybiyey warbaahinta laguna sheegay inuu kasoo baxay wafdi aan ku jiray ayaan wax ka oran. Waxaan cadayn inaan la igalana tashan oo aanan qayb ka ahayn Bayaankan soo baxay iyo hadalada uu xambaarsana. Bosaso Dhibka soo gaaray xal iyo baaq nabadeed keliyaa dan u ah” ayuuu yiri Cumar C/rashiid oo qoraal kooban ku soo daabacaday boggiisa Twitterka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiikh oo la kulmay Taliyaha Guud ee ciidanka Talyaaniga (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamo la dagaallamaya Al Shabaab oo lala dardaarmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Shirkada Facebook oo gaartay Go’aan adag oo ka dhan ah Donald Trump

Cabdi Cade
Taboola Ads ---