Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo u mahadceliyay Safiirka Imaaraadka u jooga Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowlada Imaaradka Carabta ee Soomaaliya, Maxamed Axmed Cuthmaan.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka garab istaaga iyo gurmadka ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.

Waxa ay sidoo kale Madaxweyne Deni iyo Safiirka Imaaraadka Carabta kawada hadleen sidii Imaaraadka gacan uga geesan lahaa horumarka Puntland iyo sidii mashaariic hor leh uga fulin lahaayeen.

Safiirka Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kawada kulamo uu la qaadanayo masuuliyiin katirsan dowlada iyo Madaxda dowlad goboleedyada.

https://www.youtube.com/watch?v=Vxq1TmyN-PQ

Related posts

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo madax kala duwan kula kulmay magaalada Marrakesh

Cabdi Cade

Dowlada Qatar oo shaacisay xiliga ay bilaabeyso dhismaha dekeda Hobyo

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta oo Walaac ka muujiyay Shidaalka Somalia oo lagu iibinayo dalka Turkiga !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---