Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Xulkii ugu dambeeyay Afrika oo boorsooyinkiisa ka xirxirtay Koobka Adduunka

Xulkii ugu danbeeyay ee Qaaradda Afrika ayaa ka haray koobka kubadda Cagta Adduunka ee ka socda dalka Ruushka.

Xulka Senegal ayaa waxaa 1-0 kaga badisay xulka Colombia, waxaana, dhinaca kale xulalka Japan iyo Poland ciyaar dhex martay 1-0 ku badiyey Poland, taasoo keentay in Japan iyo Senegal ay isku dhibco iyo isku goolal noqdaan,waxaana ciyaar wanaag ku soo baxday Japan.

Waxaa horey koobka aduunka looga reebay xulalkii Masar, Maroco, Nigeria iyo Tunisia oo dhamaantood metelayey Afrika, Iyadoo Senegal oo aheyd kooxdii kaliya ee laga rajada qabay iney u gudubto wareega labaad la quusiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Jovenel Moise oo goordhaw gurigiisa lagu dhax dilay

Cabdi Cade

Hub ka dhigista ciidankii TPLF oo ka bilaabatay Tigray (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Ashraf Qaani oo la baxsaday gaadiid lacago badan laga buuxiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---